DFS oo ka tacsiyadeeysay Ciidamo Faransiis ah oo shil ku geeriyooday

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka tacsiyadeeysay 13 Askari oo dowladda Faransiiska ugu geeriyooday shil Diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga Dalka Maali.

 

Qoraal kaso baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo faransiiska uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo iskaashi iyo wax wada qabs ah.

 

Shilkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar gaara Ciidamada faransiiska tan iyo markii la geeyay dalka Maali sanadkii 2013-ka.