Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaasriinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka gaareen howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Galmudug
“Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeenn waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud , Maamulka , shacabka iyo masuuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin , Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in CXDS ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda “ ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlay idaacadda Ciidamada qalabka Sida
Ciidanka Xoogga ayaa saaka barqadii la Wareegay Deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys oo hore ay gacanta ugu hayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. .