Dowladda oo sheegtay inay howlgal ku dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Howlgalkan qorsheeysan ayaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  ka fuliyeen degaanka geel-gub oo qiyaastii 10-km ujira degmada cadale oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay, kaddib markii ay ka warheleen Ciidamada weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isa markaana howlgalkooda ay ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab qaar kalena ay nolosha ku qabteen.

Taliyaha ciidanka xooga dalka somaaliyeed gen. OdowaaYuusuf Raage oo hadlay warbaahinta Codka Ciidamka ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku soo dhageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen oo weraro ay ku fulin jireen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka wali ay sii  wadaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab ee Ciidanka xoogga dalka ay dagaalka  kula  galeen fariiisamaha ay ku yalaayeen degaanka (geel-gub).

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan inta badan waxaa ay kas ameeyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana ay howlgalalda sheegaan inay ku dilaan saraakiil & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.