Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee xoogga dalka Soomaaliyeed , waxay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose , iyaga oo la sheegay inay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Gumeysidiid oo ku yaala duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow uu Warbaahinta dowladda u sheegay in lagu dilay 5 xubnood oo ka mid ah  Al-Shabaab, isla markaana lagu dhaawacay tiro kale.

Wuxuu sheegay in howlgalka xilliga ay qaadayeen ay ka warheleen in Xubno katrsan Al-Shabaab ay isku aruursanayeen  deegaanka Gumeysidiid ayna qorsheynayeen iney weeraro geystaan.

Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada ay sii wadayaan howlgallada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolka Shabeelaha Hoose inta badan ka fuliya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas, iyaga oo la wareegay degaano iyo degmooyin dhowr ah.