Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhiiragelin iyo shaqo abuur ay u sameyn doonto dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunool gudaha Soomaaliya,kuwaa soo hadda qaarkood aan heysanin shaqo .
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto shaqaaleysiinta dhalinyaradda ,Maadaama ay muhiim u yihiin horumarka dalka.
Waxaa uu sheegay in la diyaariyay qorshayaal badan oo loogu tala galay dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda qorsheynta ay waddo dadaallo lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyaro ka badan 2000 kun.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay waajib tahay in la shaqaaleysiiyo dhalinyaradda kunool Soomaaliya.
Waxaana uu maamulka gobolka Banaadir uu ku Amray in ay deg deg ah ay ku shaqaaleysiiyaan 1000 ka mid ah dhalinyaradda kunool Muqdisho.



