Dowladda Soomaaliya ayaa si faa faahsan kaga hadashay Arinta Ciise Tarabuun,oo Dowladda Kenya ay sheegtay in ay doon dooonayaan ciidamada Amniga.
War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in ay u arkaan Muwaadin maray ciqaabtii ay ku xukuntay Maxkamad ciidan.
Ciidamada Booliska Dowlada Keny ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dalkooda uu soo galay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolkan Banaadir kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun), iyaga oo baahiyay Sawirkiisa.
Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in sarkaalkaas ay rumeysan yihiin in uu Kenya soo galay 24-kii Bishan September, waxaana ay dadka Kenya ugu baaqeen inay Ciidamada kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan Shaqsigaas ay sawirkiisa baahiyeen.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa 19-kii Bishii June ee sanadkii 2017 waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga howlgal ay ka fuliyeen Suuqa Bakaaraha ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolkan Banaadir Cabdi Waaxid Ciise Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun).




