Dowladda oo mamnuucday duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya kuna socda Kismaayo

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale amartay in diyaaradaha u socda ama ka socda Kismaayo ay maraan magaalada Muqdisho.

Diyaarado ka safray Nairobi iyo Garoowe ayaa todobaadkan jebiyey amarkaas oo kol horena ay dowladdu soo saartay, islamarkaana dhawaan ay sheegtay sidoo kale in ay qaaday.

Amarka ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Amarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinta berri ah lagu waddo in Magaalada Kismaayo ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.