Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgaladii ugu dambeeyay oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen degmooyinka Ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmadda Sunguuni ayaa ah, mid strateji u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba” sidaas ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada Difaaca Soomaaliya.
Sidoo kale howgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey ayaa lagu gubay Gaadidka dagaalka waxaana lagu dilay tiro ka mid ah Shabaab sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
” Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo” ayaa markale lagu yiri hadalka kasoo baxay Wasaarada Difaaca Soomaaliya.


