Dowladda oo faah faahisay howlgalka lagula wareegay Awdheegle

Barqanimadii Maanta ayaa Ciidamo ka trirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandoosta waxaa ay dagal kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelelaha Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle oo mudo dhowr sano ah ay maamulayeen

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu hadalkiisa intasi ku daray in Ciidammadu haatan ay wadaan baaritaano ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka degmada Awdheegle sidoo kalena howlgalladu ay sii socon doonaan.

Al-Shabaab ilaa iyo hadda kama hadlin warkaan kazoo baxay taliska Ciidamada xoogga dalka ee ku aadan in lagala wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelelaha Hoose.