Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Qaybaha 21-aad iyo 27-aad oo fulinaya Amarka Taliyaha Xoogga ayaa gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo shalay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex marey laba maleeshiyo beeleed.
Degaannada laga dagaalamay oo kala ah xagar iyo laan-cadaad oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in xaaladooda ay haatan tahay mid degan,waxaana dagaalkii shalay uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamadaan oo qayb ay ka yihiin kuwa nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa hugaaminayo Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad , xaalada deegaanada lagu dagaalamey ayaa dagan waxaana goobahaasi dagey Ciidamaqalabka sida oo labada dhinac ee is horfadhiyay kala qaadey.



