Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay khilaafka ka dhex taagan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Farmaajo kaasoo ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warsaxaafeed kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in diirada la saaro sidii loo wajihi lahaa arimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana loo soo dooran lahaa xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in khilaafkaan oo sii socdaa uu wiiqi doono awoodda dowladnimada curdurka ah ee Soomaaliya ayna ka faaideysan kara kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ka dagaallamaya gudaha Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweyne Farmaajo  iyoRa’iisul wasaare Maxamed Roble   inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay si buuxda diiradda u saaraan soo afjaridda  Doorashooyinka Soomaaliya iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Doorashooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada muddada dheer ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska dowladda Mareykanka ee Afrika.

Beesha Caalamka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo xal loogu keenayo khilaafka Rooble iyo Farmaajo si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada arimaha doorashooyinka.