Dowladda Mareykanka oo Muwaadiniinteeda kala baxeysa Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay kala baxayso 14 Bishaan Muwaadniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana laga dhoofin doona Garoonka Diyaaraddaha ee Aadan Cadde.

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya loo daad gureyn doono dalka Mareykanka.

Sababta ayaa lagu sheegay sababo la xariira Cudurka Corona Virus, maadaama Soomaaliya aysan la aheyn dhaqaatiir dabooli karta baahida Caafimaadka ee Shaqaallaha Ajaanibta ah.

Safaaradda Mareykanka ayaa heshiis la gashay Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines, kaasi ah oo ku aadan in duulimaad gaar ah ay u sameeyo Muwaadiniinta joogta dalka.

Cudurka Corona Virus ayaa Soomaaliya ku faafaya  Tirada Guud ee Laga helay ayaa hadda dhan  928, halka Dhimashada Guud ay gaartay  44 qof.