Dowladda Kenya oo kordhisay Bandowga Saaran Mandera

Dowladda Kenya ayaa kordhisay Bandowga Saaran degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ka dib markii ay soo baxeen Cabsi ku aadan Weeraro ay soo qaadi rabaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya  Joseph Nkaissery ayaa sheegay in 12 saacaddood lagu daray Bandowga hadda , islamrkaana ay ka shiri doonaan Mas’uuliyiinta dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Bandowgaan labo tobanka Saacadood ah in uu ka duwan yihiin kuwii hore, islamarkaana ciidanka looga baahan yahay in ay muujiyaan Feegignaan dheeri ah.

Waxa uu intaasi ku daray in la adkeyn doono Ammaanka Xuduudka Mandera ilaa Lamu, halkaasi oo inta badan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan Hawlgalladda.

Dowlada Kenya ayaa Sanadkii Hore Bandow kusoo rogtay Mandera ka dib markii ay kordheen Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan Mandera.

Ujeedka Bandowga loogu soo rogay Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa ah xaqiijinta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab.