Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned price ayaa cambaareeyay qarixii lagu dilay Wariye Cabdicasiis Afrika oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho laguna dhaawacay Wariye Sharmaake Warsame Agaasimaha Tv-ga Dowladda Soomaaliya.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu kuyiri” Mareykanka wuxuu si kulul u cambaareeyay dhammaan weerarada argagaxisada oo uu ku jiro weerarkii Al-Shabaab ee lagu dilay Cabdicasiis Maxamuud Guuleed laguna dhaawacay Sharmaarke Warsame. Maraykanku wuxuu garab taagan yahay warbaahinta xorta ah iyo ka hortagga argagixisada. Dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin mustaqbal nabad iyo xasilloon ah.
Dhinaca kale Dowladda Canada ayaa si kulul waxaa ay u cambaareysay dilkii loo geystay Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed ( Afrika) oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho.
” Dhammaan saxafiyiinta waa in ay ku dhaqmaan iyada oo aan la faragelin, caga-jugleyn, hanjabaad, rabshad iyo aargoosi la’aan ayaa lagu yiri” qoraal kooban oo kasoo baxay Guddiga Sare ee Canada u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.
Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu caan ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu wareysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa si deg deg ah u sheegtay Al-Shabaab.



