Dowladda Australia oo lacag ugu deeqeysa Soomaaliya

Australia –RisaalaFM- Dowladda Australia ayaa sheegtay in lacag dhan 20 Million oo Dollar in ay siineyso Dowladaha South Sudan iyo Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ka jiraan xaalado nololeed oo aad u adag, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Waxay sheegtay in ay dhaqaalahan ay ku caawineyso dad gaaraya 50,000 qof oo ku nool laba dal, kuwaasi oo u baahan cunto gargaar iyo biyo nadiif ah.

“Caawaimaadeena ujeedadeeda waxa ay tahay sidii aan u kaalmeyn laheyn dadka danta yar ee  ku nool Soomaaliya iyo South Sudan, dadka waxaa isugu darsamay Abaaro iyo colaado, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Dowladda Australia.

Sidoo kale Dowladda Australia ayaa waxa ay ku baaqday dhammaan in laga wada qeyb qaato gargaarka loo fidinayo dadka shacabka ah ee ku nool dalalka Soomaaliya iyo South Sudan.

Waxay kaloo sheegtay Dowladda Asutralia in kumanaan qof ay ku dhinteen, kuna barakaceen dagaalo ka dhacay dalalkan, waxayna sheegtay in sidoo kale ay ku dadaaleyso sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa Qaxootiga.