Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe, oo Shir u qabtay warbaahinta galabta ayaa waxaa uu ka hadlay warqad kasoo baxday Dowlada Kenya, kaasi oo Soomaaliya looga dalbay in dacwada Badda meel ka baxsan Maxkamadda lagu xaliyo.
Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa sheegay warqada kasoo baxday Kenya in aysan ka turjumeyn ilbaxnimo Dowladnimo, sidaasi dareedne waxa warqada ku qornaa iyo kiiska Maxkamadu sainama isku yeelan Karin.
Wuxuu intaa ku daray, Dowlada Soomaaliya in waxa kasoo baxa Maxkamda ay ka warsugayaan oo ay taageersanyihiin, isaga Wasiirka Warfaaafinta Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in marnaba aqbalayn wararka iyo waqdaha Kenya kasoo baxaya, iyada oo Xukuumada Naroobi ay horey u diiday ka qayb galka dacwada Badda ee ICJ.
Kenya waxay hadda dooneysaa in kiiska muranka xuduud badeedka ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga saaro Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) laguna xalliyo wadahadal laba geesood ah.



