Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, balse Maamulka dowlad degaanka ay beeniyeen.
“Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid ayaa lagu yiri” War kasoo baxay dowlad degaanka Soomaalida.
” In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeerayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xiriira isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imaanaya gudaha iyo dibada ee la xiriira Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.
Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka.



