Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aan maanta fagaare lagu ciidin

Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaanan maanta fagaare looga tukan saaladda cidul Adxa balse waxaa takbiirta laga qaadayay masaajidda.

Itoobiya waxaa lagu soo rogay xayiraadaha looga hortagayo fiditaanka feyraska Corona, waxaana kamid ah in la mamnuucay goobaha isu imaantinka

Muslimiinta caalamka ayaa salaada ciida carafo gudanaya balse ciida sanadkaan waxaa baddalay oo waji kale u yeelay Fayraska Corona maadama aan salaada loo oogi karin sidii markii hore loo tukan jiray iyadoo guud ahaan waxyaabo badan la xaddiday fayraska Corona aawgii.