Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Goordhow ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyada oo ay wax dooran doonaan Xildhibannada Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.
Xarunta lagu qabanayo doorashada ee Magalada Kismaayo ammaankeeda ayaa waxaa siweyn u sugaya Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ku sugan inta badan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland, Odayaal, Siyaasiyiin & Xildhibanao ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomalaiya.
Ilaa Afar Musharax oo midi haween tahay ayaa Maanta ku tartami doono doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland,kuwaas oo kala ah.
1: Axmed Maxamed Islaam
2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)
3: Musharax Maxamed Cumar Geedi
4: Canab Maxamed Daahir
Doorashada Maanta ka dhaceysa Magalada Kismaayo ayaa natiijada kasoo baxda waxaa horay u sheegay inaysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya halka Beesha Caalamka ay si lamid ah shaki gelisay inay aqoonsato.