Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya , Xildhibaanada kasoo jeeda Galmudug ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa isla gartay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in doorashada Galmudug dib loo dhigay.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa tilmamaay inta laga gaarayo 30-ka Bishaan in la qaban doono kulamo dib u heshiisiin ah.
Doorashada Galmudug ayaa lagu waday in la qabto 10 Bishaan.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa doonaya in Ahlusunna ay ka qeyb qaadato Doorashada Galmudug.


