Doorashada Kursiga labaad ee Aqalka Sare oo bilaabatay

Magaalada Kismaayo waxaa goordhow ka bilaawday doorashada kursiga labaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ku matalaya dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya Mushatixiinta kala ah Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, iyada oo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag Afartii sano ee la soo dhaafay uu kamid ahaa Xilshibaannada Aqalka Sare.

Fadhiga doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa ku sugan 73 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyo Xubno kale.

Horay ayaa waxaa Magaalada Kismaayo isla Maanta lagu doortay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare, kaas oo loo doortay Ilyaas Badal Gaboose.