Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah ka socota Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland .
Afar Musharrax ayaa si adag ugu loollamaya Doorashada Guddoonka Golaha Baarlamanka kuwaasoo saacadihii u danbeeyay uu xoogaystay Ololahooda.
Saddexda Musharrax ee u tartamaya Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa kala ah; Cabdirisaaq Axmed Siciid, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Mursal Maxamuud Cabdi.
Musharrax Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu afartii sano ee u dambaysay hoggaaminayay Baarlamankii shanaad ee Puntland ee uu hadda Mudda xileedkoodu dhammaaday.
Musharrax Mursal Maxamuud Cabdi hadda waa Guddoomiye ku xigeenka Dallada ay ku midaysan yihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA.
Musharrax Cabdirisaaq Axmed Siciid waa Guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa Doorashooyinka Puntland (TPEC), welina ma cadda masuulka ku soo bixi doona.
Hoos ka akhriso musharaxiinta gudoonka iyo ku xigeenada tartamaya.




