Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan Baarlamaanka Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaas.
Ilaa Saddex musharax ayaa u taagan qabashada xilkaas,kuwaas oo midkiiba uu doonayo in uu qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,isla markaana xalay ay olole ballaaran ay ka wadeen Magaalada Garoowe.
Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha oo dhamaantood katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay kala yihiin,Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.
Magaalada Garoowe ayaa saakay waxaa laga dareemayaa diyaar garowga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyada oo amniga siweyn loo adkeeyey.



