Waxaa Magaalada Garoowe dib uga bilowday doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jirtay ka dib markii ay dhaceen khilaaf ku aadan dhanka beelaha u tartamaaya kuraasta iyo wali dhaqaalo xumo soo wajahday guddiga doorashooyinka.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay ,waxaana ciidamo la geeyay xarunta doorashada iyo goobaha kale ee ku dhow.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in maanta Magaalada Garoowe lagu dooran doono ilaa iyo saddex kursi .


