DHAGEYSO: Doorashada Aqalka Hoose oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

Sida ay horay u sheegeen guddiga doorashooyinka dadban Doorashada Beelaha Banaadiriga ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa taal todobo kursi sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Dadban ee dalka mudane Abuukaate Cumar Dhegey.

Doorashada Beelaha Banaadiriga oo ah 5 kursi ayaa Maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo Muqdisho.

Ammaanka Magaalada ayaa qeybo ka mid ah ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana lagu arkaaya ciidanka dowladda Soomaaliya oo waddooyinka taagan

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in doorashada ay maanta si Rasmi ah uga bilaaban doonto Muqdisho.