Dooni lagu qabtay xeebta Puntland

Boosaaso-RisaalaFM- Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen Doon si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Soomaaliya oo laga leeyahay dalka Iiraan kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamadu.

Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in ay gacanta ku dhigeen Doon laga leeyahay dalka Iiraan, taasi oo laba maalmood kahor soo gashay Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Dekedda Boosaaso Korneel Maxamed Cabdi Xaashi oo la hadlay VOA ayaa sidoo kale sheegay in Doontan ay saarnaayeen 18 qof, intii uu howlgalkan socdayna lagu dilay mid ka mid ah raggii Doonta la socday, halka mid kalena uu dhaawacmay.

Wuxuu sheegay dhammaan ragga kale ee badqaba tiradoodana ay gaareyso 16 in ay u gudbiyeen hay’adaha garsoorka, si sharciga loo horkeeno.