Dood ka taagan caafimaadka maskaxda Trump

President Donald Trump speaks before signing an Executive Order at the Treasury Department, Friday, April 21, 2017, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Soo saarista buugga cusub ee laga qoray Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood horey u socotay oo ku saabsanayd xaaladda caafimaadka maskaxda ee Donald Trump.

Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii uusan xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awoodda maskaxdiisa.

Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan fiyoobeen.

Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.

Dr Lee oo ah dhaqtar xagga dhimirka ku taqasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono.

Maxaa ku jaban haddii uu waalanyahay?

Waa arrin uu shaqadiisa ku weyn karo haddii la xaqiijiyo in uu waalanyahay, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in haddii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

Waxaana mooshin ka geyn kara madaxweyne ku xigeenka iyo aqlabiyadda golaha wasiiradda, taas oo hadda aysan muuqanin suurtogalnimadeeda, balse codadka ka dhanka ah Trump ayaa aad usoo kordhaya.