Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda ay dulmareen Kuuriyadda Waqooyi.
Diyaaradaha dagaalka ee bamka xambaara ee Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.
Pentagonka ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid muujinaysa talaabooyinka dhinaca dagaalka ee uu madaxweynuhu kala dooran karo haddii ay halis ka timaaddo dhinaca Kuuriyada Waqooyi.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaaray halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi ee ay gaaraan tan iyo bilawgii qarniga 21aad.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump oo uu ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.