Diyaarado dagaal oo markale duqeymo ka fuliyay degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab

Duqayn cirka ah ayaa ka dhacday degmada Jilib oo ka mid ah fariisimaha ugu weyn ee maleeshiyaadka Al-shabaab ay halkaasu ku leeyihiin, sida ay ii xaqiijyeen ila kala duwan oo dowladda ah.

Duqaynta oo dhacday xalay ayaana weli laga warhayn xogta khasaaraha Kala duwan ee dhashay iyo haddii uu jiray bartilmaameed lagu beegsaday duqaynta.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay war ka soo saarto dowladda Soomaaliya.

Lama oga diyaaradaha dagaalka ee duqeynta fuliyay halka laga leeyahay.

Degmada Jilib ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ay gacanta  ku hayaan maleeshiyaadka Al-shabaab, halkaasina ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.