Diyaarad Wadda Gargaar oo Soomaaliya loo soo diray

Dowladda Azerbaijan ayaa Shaacisay in ay Soomaaliya u soo dirtay Diyaarad Sidda Gargaar loogu tala galay dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku sugan Gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaa Saaran Diyaaradda ay Azerbaijan u soo dirtay Soomaaliya 76 Tan oo isugu jir Cuntooyin iyo Biyo Nadiif ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo gurmadka degdegga ah Faiq Taghizade ayaa sheegay in diyaaradaan gargaarka ay sido laga dejinaayo Jamhuuriyadda aanu walaaha nahay ee jabuuti ka dibna ay u soo gudbin doonto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu Amarka gargaarkaasi bixiyay Madaxweyne Ilham Aliyev oo ah Madaxweynaha Azerbaijan.

Qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ayaa gurmadyo kala duwan u soo diraya dadka Soomaaliyeed ee ay Abaartu saameysay.