Diyaarad siday daawooyin oo laga hor istaagay in ay ka degto Maagalada Laas-caanood

Diyaarad siday daawooyin  oo aan la ogeyn cida dirtay ayaa  Magaalada Laas-caanood loo diiday in ay ka degto garoonka diyaaradaha magaaladasi waxaana la sheegay in amarka diyaaradaani loogu diiday in ay ka degato garoonkaasi ay bixiyeen masuuliyiinta  maamulka Magaaladaasi ee Somaliland.

Waxaa la fahansanyahay in dawooyinkani loo waday dadka ku dhaawacmay dagaal beeleedyo dhawaanahaan ka socday deegaaanka Dhumay ee Gobalka Sool balse laga hor istaagay in ay halkaasi ku degato.

Wararka ay Risaala heleyso ayaa tibaaxaya in sidoo kale diyaarada la doonayey in lagu soo qaado qaar kamid ah dadka dhaawacyada culus  kasoo gaaray dagaalada dhawaanahaan ka socday Deegaanka Dhumay ee Sool.

Wixii warkaan kasoo kordha halkaan kala soco.