Diyaarad sida Meydka MW ku xigeenkii Labaad ee Jubbaland oo ka degtay Kismaayo

Waxaa daqiiqado kahor si rasmi ah uga degtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo diyaarad siday meydka Allaha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, oo  ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo sida meydka Marxuumka, islamarkaana kasoo qaaday Magaalada Nairobi ayaa waxaa garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, saraakiil, ehel iyo dadweyne badan.

Marxuum Suldaan Cabdiqaadir ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loogu aaso magaalada Kismaayo, waxaana aaska ka qeyb galaya:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland,  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo horay u gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qeybgalaan aaska.

Mas’uuliyiin heer deegaan iyo heer federaal ah, saraakiil ciidan iyo bulshada rayidka ah.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay Jubbaland iyo guud ahaan dalka, iyadoo lagu xusuusto doorkiisii firfircoonaa ee maamulka Jubbaland iyo howlihii uu u soo qabtay shacabka.

Madaxweynaha Jubbaland iyo madax kale ayaa la filayaa in ay hadalo tacsi iyo xasuus ah ka jeediyaan munaasabadda aaska.