Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle ee weli aan la caleemo saarin Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Wafdiga oo ka amabaxaya Magaalada Beledweyne ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle, waxaana Garoonka diyaaradaha Beledweyne ka degtay diyaarad sida Ciidamada Gaar ah ilaalada Madaxweyne Ku xigeenka Cusub ee Hir-Shabeelle.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeeysay ee ku aadan soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo horudhac u ah Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan magaalada Beledweyne todobaadka soo socda.
Ammaanka Magaalada Beledweyne ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda & kuwa Maamulka Hir-Shabeelle oo amaanka xaqiijinaya.



