Diyaarad iyo rakaabkii la la’aa oo la helay

Wasaaradda Gurmadka Degdega ee dalka Raashiya ayaa goor shaacisay in la helay Diyaarad Rakaab oo Raadaarka laga waayey saakayto, xilli ay ku jirtay Duullimaad Gudaha ahaa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inay Diyaarada samaysay Degitaan Degdeg ah, isla markaana ay bad-qabaan 17-kii qof ee la socday.

Lama sheegin haddii ay jiraan dad uu dhaawac ka soo gaaray dhacdadaasi, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay shilkaasi.