Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo Barqanimadii Maanta agagaarka Isgoyska Afarta Darjiino ee Magalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Rag bustoolado ku hubeysan Bustoolado ay Isgoyska Afarta Darjiino ku toogteen Askariga oo Magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Ciribeey Maxamuud oo loo yaqaanay (Bakaati),isla markaana ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Isgoyska Afarta Darjiino ee Magalada Muqdisho ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga la dilay.
Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtay dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay laanta Suuq Bacaad degmada Yaaqshiid oo aan ka fogeen Isgoyska Afarta Darjiino.
Isgoyska Afarta Darjiino ee Magalada Muqdisho oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan e ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa inta badan dilla loogu geystaa askarta Ciidamada Dowladda,waxaana dilalkaas sheegta Ururka Al-Shabaab.



