
Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xaeunta Gobolka Mudug ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu Magacaabi jiray Sakariye Saciid, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xero barakac oo ku taalla daafaha qeybta Waqooyiga ee Magaalada Gaalkacuo, halkaas oo uu u joofay howlo shaqo.
Wiilka la dilay ayaa kamid ahaa Dhalinyarada haldoorka ah ee u ololeyn jiray Nabadda Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer colaad beeleedyo ay ka dhacay, sidoo kalena kamid ahaa Saraakiisha dowladda Hoose ee Puntland.
Ciidamo katirsan kuwa Puntland ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah,.waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in dilka Jamaal uu la xiriiro aanooyin qabiil oo kajira Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo iyo degaannada hoostaga ee Gobolka Mudug ayaa dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegteen Ururka Al-Shabaab walow dhowrkii sano ee la soo dhaafay xaaladda Magaalada ay aheyd mid wanaagsan.



