Dil goor dhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah, waxaana ay ka baxsadeen goobtii dilka ay ka gaysteen.

Kooxaha hubaysan ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 25 illaa 30 jir, waxaana wararka ay sheegayaan in Suuqa gudihiisa ay ku dileen.

Dilka ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay agagaarka qaybta Bagaashka Suuqa Bakaaraha, kadib markii laba dhalinyaro ah oo Bistoolado watay ay beegsadeen wiilkaan.

Lama oga qofka la dilay wuxuu ahaa iyo waxa uu ka shaqeynaayay, balse ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in mar kaliya ay maqleen dhawaqa rasaasta oo lagu beegsaday wiil dhalinyaro ah.