Digniin loo diray Gaadiidleyda Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Taliyaha Saldhigga degmada Jowhar Maxamed Siyaad (Canjeex) ayaa Ciidamada ilaalada wadooyinka ku amray in ay talaabo sharci ah ka qaadaan Gaadiidleyda sida qaldan wadada u isticmaasha iyo kuwa gawaarida sida xawliga ku wada.

Wuxuu sheegay Maxamed Siyaad (Canjeex) in Gawaarida aysan ku socon karin xawaare ka badan Lixdan ilaa Todobaatan, si uusan u imaan shil gaari oo sababa khasaare kala duwan.

Sidoo kale Taliyaha Saldhigga degmada Jowhar ayaa Gaadiileyda ugu baaqay xilliyada ay wadaan gawaarida inay ku kaxeeyaan jawi degan, si loo ilaaliyo nidaamka wado marista.

“Ciidamada Taraafikada waxaan farayaa in ay talaabo ka qaadaan baabuurta dhibaatada ku haya Ummadda, garigii lagu qabto isaga oo wado taagan sharciga ayaa la horgeynaa”. Ayuu yiri Taliye (Canjeex)

Shalay ayay aheyd markii shil gaari oo ka dhacay Tuulada Garaash oo qiyaastii 4-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Jowhar ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar qof oo kale.