Boqolaal kamid ah shacabka reer Suudaan ayaa mar kale dibadbaxyo ka dhigay magaalada Omudurman kaddib markii qof dibadbaxayay oo dhawaan dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday.
Dalka Suudaan waxaa ka taagan dhibaato dhaqaale kaddib markii qiimaha maciishadda ay sare u kacday gaar ahaan cunnada iyo dawooyinka.
Dadka bannaanbaxayay ayaa codsanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al Bashiir.
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda Suudaan, madaxweyne Al Bashiir wuxuu sheegay in uusan xilka ka degi doonin balse uu xallinayo dhibaatada ka taagan dalkaasi.



