Dib u dhac ayaa ku yimid Doorasho Madaxweyne oo maanta ka dhici laheyd Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa horay u sheegay in 19 bishaan oo maanta ku beegan ay dooran doonaan Madaxweyne , balse wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay sheegayaan in doorashadii Madaxweynaha Galmudug ay dib u dhacday.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in maanta aysan jirin doonin doorasho ka dhaceysa Cadaado.
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed ayaan wali Aqbalin xilka qaadis ay ku sameeyeen xildhibaanada Galmudug.


