Muqdisho-RisaalaFM- Dib u dhac ayaa markale ku yimid Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Labadiisa ku xigeen, maadaama horey Madasha Wadatashiga Qaran ay ugu heshiiyeen in Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ay dhacdo 22-ka Bishan oo maanta ku beegan.
Jadawlkii ay horey u soo saareen Madasha Qaran ayaa waxaa ku qornaa Munaasabada dhaarinta xildhibaanada cusub in ay dhacdo 15-kii Bishan, sidoo kalena ay dhacdo Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Labadiisa ku sigeen 22-ka Bishan, waxaana muuqata in Jadwalkii la soo saaray aan loogu dhaqmin si sax ah.
Madasha Wadatashiga Qaran weli kama aysan hadlin Dib u dhaca ku yimid Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidan oo kale Dib u dhac uu ugu yimid Doorashada Soomaaliya, waxaana Doorashadan ay Madaxa la galeysaa sanadka cusub, maadaama aysan muuqan dadejin Doorasho.


