Dhul-gariir ka dhacay Kuuriyada Waqooyi

Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabiso nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa tijaabadii 5aad, iyadoo maanta oo Jimca ah waxay ku aadan tahay Maalinta Qarannimada ee Dalkaasi, waxaana lagu soo waramayaa Kuuriyada Waqooyi ay Munaasabadahaan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.

Wakaaladda Wararka Yonhap ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in arrintaasi ay u badan tahay inay ahayd tijaabo nukliyeer, waxaana horey u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, balse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi, waxaana lagu qiyaasay xajmiga dhul-gariirkaasi 5.3 cabirka dhul-gariirada.kan

Madaxwaynaha Marayka Barak Obama ayaa ku tilmaamay arrinta ay samaysay Kuuriyada Waqooyi mid aan la aqbali karin, wuxuuna sheegay mar uu ku soo laabtay Aqalka Cad kadib markii uu ka qeybgalay Shirarkii G20-ka iyo kii Waddamada Asiya.

Hay’adda daraasaadka lakabyada dhulka ee Maraykanka ee la socota dhaqdhaqaaqyada lakabyada dhulku ayaa sheegaysa in gariirka waqooyiga bari ee dalkaas laga dareemay uu qarax ka dhashay, laakin ma aysan sheegin nooca qaraxa, balse waxay sheegay inay la socon doono waxa ay noqon doonto sababta qaraxa.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa shir jaraa’id ka sheegay in haddii la xaqiijiyo in tijaabo nukliyeer la sameeyey uu Dalkiisu cabasho u gudbin doonto Xukuumadda Pyongyang.