Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhula lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq Jaadka lagu iibiyo oo kuyaal degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro dbimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa ku geeriyooday todobo ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira askar ku sugneyd goobta iyo dad Shacab ah.
Goobjooge ku sugan degmada Bardaale ayaa sheegay in goobta qaraxa ka dhacay ay aheyd meel mashquil badan, isla markaana dadka ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay Suuqa Jaadka degmada Bardaale ee uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal dad badan lagu qabqabtay.
Maamulka degmada Bardae iyo laamaha Amgiha degmadaas ayaan weli ka hadlin qaraxaas, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.



