Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamy degmada Diinsoor

Mas’uuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Wasiirka wasaaradda amniga Maamulkaas ayaa kormeer ku tegay Goobaha ay isku hor-fadhiyaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiintaan ayaa ujeedka kormeerkooda uu ahaa sidii loo dhaqan gelin lahaa xabad joojinta la kala dhex dhigay labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo weli ku wada sugan degmada Diinsoor.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dagaal uusan u wanaagsaneyn Bulshada degmada, isla markaana labada dhinac looga baahan yahay inay nabad ku wada noolaadaan.

Hase ‘ahaatee ‘ Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay kamid tahay degmnooyinkii dhawaan colaad beeleedyada ay ka dhaceen wallow madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ay ku baxeen.