4th March, 2024, Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee ka mid noqda ururka bulshada bariga Afrika. Ururkan oo markii hore la aasaasay 1967 ayaa shaqeyn waayey iyada oo dib loo yagleelay 2,000, xubnihiisa ayaa ahaa dowladaha Kenya, Tanzania, Uganda, South Sudan, Congo, Burundi iyo Rwanda.
Kubiirista Muqdisho ee ururkan waxaa ay dhalisay su’aalo badan sida; Soomaaliya maxay ku soo kordhin doontaaururkan, maxayse ka faa’iideysaa, waa maxay fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran ku biirista ururka Bulshada bariga Afrika, waa maxay tilaabooyinka ay tahay in dowladda Soomaaliyeed ku dhaqaaqdo si ay bulshada Soomaaliyeed ay u noqdaan xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada bariga Afrika iyo su’aalo kale.
Ujeedka loo aasaasay ururka ayaa ah in lagu kobciyo dhaqaalaha bariga Afrika gaar ahaan dadyowga bariga ku nool, ayna muwaadiniinta sameeyaan isku socod dhaqaale,iyada oo la fududeynayo socdaalka ganacsiga lana mideeyo canshuuraha, iyo sharuucda socdaalka, ayna muwaadiniinta u sahlanaato in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq ganacsi.
Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Xasan Shiekh oo ka hadlay madasha lagu iclaamiyay ka mid noqoshada ururka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed yihiin kuwa firfircoon oo ku dhiiran sameynta ganacsiga iyo abuurista dhaqaalaha waxuuna sheegay in ay tahay guul horumar oo u soo hoyatay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo maamulkiisa.
Haddaba, qoraalkaan waxaan uga hadli doonaa caqabada iyo fursadaha ururka, iyo talaabooyinka ay tahay dowladda Soomaaliya in ay qaado si albaabka fursadaha ee ururka loogu furo dadweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed.
Waxqabadka Socday Kahor Kubiirista Soomaaliya ee EAC:
Iskusocodku muwaadiniinta waa udub dhexaadka wax wadaqabsiga dadweynaha dowladdaha ku bahoobay ururka Bulshada Bariga Afrika. Dowladaha ku midoobay isbahaysiga waa dowlado xiran oo aan bad laheyn marka laga reebo Soomaaliya, Kenya, iyo Tanzania, waase dowlado xudud lehdhammaan.
Dowladaha ku jiray ururka ka hor dowladda Soomaaliya waxay dhaqan geliyeen siyaasad isku gooshida muwaadiniinta, waxayna dagsadeen sharciyo mideynaya qidmada fasaxa shaqada iyo daganaashaha, waxaa lacag la’aan laga dhigay dal ku galka.
2016 waxay sameysteen hal baasaboor oo ay dowladaha dhan mudiniinta u ogolaadeen in ay qaataan. Isku socodka xuduudaha waa xor oo muwaadinka uma baahna in uu horay fasax dal ku gal u sii heysto.
Dowlaahada waxay ka shaqeynayaan in la mideeyo xeerarka shaqaaleysiinta, in muwaadiniinta ay ka helaan shaqo abuur dhaammaan dowladdaha ku bahoobay ururka iyada oo aysan jirin takoor iyo culeys dheeraad ah oo la saarayo muwaadinka ka shaqeynaya wadan uusan u dhallan oo ka mid ah ururka.
Fursadaha Ku Biriista Ururkan:
Soomaaliya ku biirista ururkan waxaa ay ka heli kartaa faa’idooyin badan oo ay ka mid yihiin; Mideynta tariifada iyo Suuqyada, ballaarinta fursadaha maalgeshiga, iyo isusocodka dadka, gaadiidka, badeecadaha, dalxiis oo ay dheeryihiin horumar dhanka darisnimo, siyaasad iyo diblomaasiyadeed.
Bulshada Geeska Afrika tiro ahaan waa 302.2 Milyan halka ay ku noolyihiin 5.4 million square kilometres iyo GDP gaaraya US$ 312.9 billion, arrimahn oo idil waa fursad weyn oo wax badan lagala bixi karo haddii loo diyaargaroobo.
Caqabadaha:
Sidaasi ay tahay. Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado iyo dowlad la’aan ayaa wajahaysa caqabado dhawr ahoo ku gudban in ay si degdeg kaga faa;iideysomuwaadiniinteeda suuqa bulshada bariga Afrika oo ay kamidyihiin sharciyada, amniga, kaabayaasha dhaqaale, aqoontaiyo xirfadda muwaadinka, xasiloonida siyaasadeed.
(1). Isu-socodka:
Soomaaliya oo ku taal geeska Afrika ayaa ka gasha suuqa Bulshada Bariga Afrika xadka ay la leedahay Kenya oo ay dagaan dad asal ahaan ka soo jeeda Soomaali oo intooda badan ku hadla luuqada Soomaaliga.
Soomaaliya oo aan la heyn sharciga jinsiyadaha oo dhaqangal ah, ayna cadayn hanaanka ay dadweynaha Soomaaliyeed ku noqonayaan muwaadin, ayaa ku biirtay ururka ganacsiga taasi oo dhib ku noqon doonta in muwaadiniinta Soomaaliyeed iskaga gooshaan xuduudaha dalalka ku mideysan ururka.
Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid xiran oo isku socod ganacsi sharciyeysneyn, xadka ayay dowladda Kenya xirtay 2011-kii, kadib markii ay dagaalo ku dhexmareenciidanka difaaca Kenya iyo kooxo katirsan Al-shabaab.
Marar badan waxaa ka wadahadlay furitaanka iyo fududeynta isku socodka xadka, labada dowladood oo ay ugu dambeysay May 2023, oo ay wasiirada Kindiki iyo Maxamad Axmad Shiekh Cali ku sheegeen shir saxaafadeed ay qabteen in dib loo furayo isku socodka xaduudka.
Magaalooyinka Soomaaliyeed ee dhaca gobolada xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka hela adeega ganacsi dhanka Kenya, si la mid ah deegaanada Kenya ayaa hela alaab ka soo degta dekedaha Kismanyo iyo Mogadishu, mise jiro isku socod sharciyeysan.
Ganacsata Soomaaliyeed oo ku farxay in dowladda Soomaaliyeed xubin ka noqoto ururka bulshada bariga ayaa weli ka dhawrsugaya dowladda Soomaaliya xoogga u saari la hayd furista isku socodka xadka Soomaaliya iyo Kenya.
(2). Sharciyada;
Hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ah mid curdun ah ayaa ku biirista ururka waxay kala kulmeysa caqabad xoogganoo la xariira dhanka sharciyada, iyo xeerarka oo lafdhabar u ah dhaqangalka ku biirista ururka. Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay dadaal dheeraad ah ku bixiso sameynta xeerarkii fududeyn lahaan dhaqan galka ku biirista isbaheysiga, sida sharciga jinsiyadaha, sharciyada canshuuraha, iyo xeerarka teknolojiyada iyo kuwa kale oo muhiim ah.
(3). Aqoonsiga Dadweynaha:
Marka laga soo tago fududeynta isku socodka, aqoonsiga muwaadinimada waxa uu qeyb weyn ka qaadayaan isku dheelitirka dhaqaalaha ee dowladaha, dowlad walba waxay xisaabsan doontaa doorka ay muwaadiniinteed ka qaateen kobaca dhaqaalaha ururka, hadaba hadii aysan dowladda Soomaaliya u helin muwaadiniinteed kaar aqoonsi oo ay ku galaan suuqa, waxay inta awoodda iska xaadirddoonaan wadama ay ka heli karaa kaar dhalasho, taasna waxay yareyndoonta qeyb wadaaagga dhaqaale ee dowladda Soomaaliya.
(4). Dhaqaalaha Iyo Warshadaha
Dhaqaalaha dowladaha waxaa lagu qiimeeyaa qodobo ay ka mid yihiin tirada iyo tayada dadka dalka, sicir bararka, wax soosaarka gudaha, dhoofinta iyo soo daiinta, iyo kuwa kale. Dowladaha ku bahoobay ururka Soomaaliya uguma dad yara, dadkeeduna uma faqrisana, marka laga eego dhanka sicir bararkana waa dhexdhexaad, waasa xaqiiqo in dowlado badan ay ka dad badanyihiin, kana waxsoosaar badanyihiin.
Dhanka wax soosaarka gudaha, Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya colaado, aysana xooganeyn dowladda dhexe, dhaqaalaha waxaa gacanta ku haya dadweynaha oo dowladda ma maamusho warshada, korontada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee kale tusaale Soomaaliya ma lahan warshado wax soosaar oo muuqda marka laga reebo kuwa aad u yaryar oo la daalaa dhacaya culeys ka haysta xirfadda shaqaalaha, amniga iyo korontada. Hadaba Soomaaliya oo qaadatay hanaanka nidaamka dhaqaalaha xortaha aysana jirin warshado waxsoosaar oo maxali ah side tartan dhaqaale ula sameyn kara dowladdo leh warshadaha waxsoosaar haba iska tabar darnaadaane.
Dhammaan dowladaha ku bahoobay ururka waa dowladaha loo yaqaan kuwa soo koraya ama daqliga qofka uu hooseeyo, kuma filna waxsoosaarka gudaha, dhammaan waxay banaanka kala soo dagaan badeecadda quutul daruuriga ah iyo mid aaan aheyn, Soomaaliya oo teedka ku heysa badweynta Hindiya, dugsatana marinka ganacsiga ee badacas, waxay noqon kartaa il ay bulshada bariga Afrika ka kala soo dagto badeecadaha, si la mid ah dadka Soomaaliyeed oo ah kuwa kufirfircoon sameynta ganacsiga ayaa badeecada ka soo dhoofinkara dalalka ku horumaray warshadaha, keli ah waxayse tartami kartaa Soomaaliya marka ay dajiso siyaasad aan ka hor imaaneyn siyaasadda canshuuraha ee ururka, balse eex u sameyneysa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee dekedaha bariga wax kala daga ayna dowladda Soomaaliya horumariso kaabayaasha dhaqaalaha ee fududeeya isku socodka ganacsiga.
Suuqa Bulshada Bariga Afrika waa mid heysta dadweyne balaaran oo ay dhaqaale xooggan ka sameyn karaan ganacsata Soomaaliyeed waase hadii xal loo helo caqabaha iyada oo ay iskaashanayaan ganacsata, dowladda federaalka ah, iyo maamulada.
(5). Amniga
Marka laga hadlo amniga dowladaha ku bahoobay ururka waxaa heysta caqabado oo ma jirto dowlad ka madax banaandagaalo sokeeye, waxaase Soomaaliya u dheer amnigeeda faragelinta kooxo argagixiso calami oo ay dowladda isku dayeysay in ay jabiso muddo ku dhaw rubuc qarni.
Xadka Kenya iyo Soomaaliyadalka oo ah halka ay Soomaaliya ka gasho suuqa bariga Afrika waxaa qalaaso amni daro ka geysta kooxo argagixiso ah, waxaana aad u hooseeya amniga isku socodka dadweynaha iyada oo ay ka hawl galaan ciidamo labada dal.
Dowladda Kenya ayaa marar badan sheegtay in kooxo argagixisa ah oo iska soo abuubulay Soomaaliya ay weeraro ka geysteen dhulkeeda, ayna xadka ka fuliyeen weeraro isku jira dilal iyo afduuub. Kooxda Al-shabaab ayaa saldhigyo ku leh hawdka gobolada Soomaaliyeed ee xadka la leh Kenya waxayna mararka qaar u talaabaan Kenya si ay u soo fuliyaan weeraro amni daro.
Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon ay xoog iskugu geyso sidii ay u jabin laheyd kooxda Al-shabaab ayna weliba tabarta iskugu geyso ka saarista gobolada ilsha dhaqaale u noqon kara dowladda, gaar ahaan kuwa ay maraan webiyada Shabeelle iyo Jubba, si kobaca dhaqaalle ee dalka si degdeg ah dib loogu soo celiyo
Dowladda Soomaaliya waa in ay ka kaashataa Kenya sidii xadka Kenya iyo Soomaaliya uu u noqon lahaa mid ka caagan kooxa argagixisada, ayna ka hawlgalaan hey’adaha socdaalka ee labada dal.
(6). Xasiloonida Siyaasadda
Siyaadadda arrimaha dibada Soomaaliya ayaan aheyn mid dagan tan iyo markii ay xornimada qaadatay, mana lahan xaasiib joogto ah oo ay dunida ka maciisansato. Soomaaliya ayaa horay waxay kaga mid noqotay ururo dowli ah iyo kuwa gobol sida midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, Jaamacadda Arabta.
Deganaanshiyaha siyaasadda arrimaha dibadda waxay saldhig u noqon kartaa in Soomaaliya ay kasii mid ahaato ururka bulshada bariga Afrika. Waxtarka iyo dhaqan galka ku biirista ururka EAC waxay muuqaneysa marka uu si taban kaga shaqeeyo maamulka xiga kan hadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Tusaale, mudaxileeedkii ka horeeyay Madaxweyne Xasan Shiekh, hoggaanka dowladda ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxay ka shaqeyneysa in la sameeyo urur goboleed dhaqaale oo ay ku mideysanyihiin dowladaha Ethopia, Eretria iyo Soomaaliya, waxa uuna meesha ka baxay markii Xasan la wareegay kursiga villa Somalia. Si la mid ah Dowladdii Madaxweyne Farmaajo waxay heshay casuumaad ah in Soomaaliya ay ku soo biirto ururka EAC, waxayna iska dhigtay miiska hoostiisa.
Hadaba maamulka xiga Madaxweyne Xasan Sheikh waa in uusan la imaan siyaasad dhantaaleysa ku biirista ururka EAC, uuna ka shaqeeyaa sidii Soomaaliya ay u dhameytiri laheyd tiirarka ku biirista ururka.
Gunaanad
Suuqa bariga Afrika oo muwaadiniintiisa lagu qiyaasaa 302.2 milyan ayaa fursad dhaqaale u ah bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa dardar gelinta sameynta sharuucda buddhiga u ah ka biirista ururka, sugida amiga dalka iyo ka sifeynta Al-shabab iyo ururada xagjirka ah gaar ahaan xadka u dhaxeyay Kenya Soomaaliya, kobcinta xirfada muwaadiniinta, iyo dhimista canshuuraha wax soo dajinta iyo qidmada adeega ee dekedaha, waana in isbadalada siyaasadeed ee dalka aysan saameyn taban ku yeelan kubiirista ururka inta ay dowladda Soomaaliyeed si cilmiyeysan qaraar dhaqaale iyo siyaasadeed u qaadaneyso.
Qorre
Hassan Mohamud Siney, Aasaasaha Independence House, Udoode Xuquuqul Insaanka, Falanqeeye Arrimaha Siyaasadaha, Agaasimihii Goobjoog.



