Dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo xiisad dagaal oo saaka ka taagan Laas-Caanood

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ka socdaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la Magac baxay SSC.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa duleedka magaalada Laas-Caanood waxaa ka dhacay dagaalo khasaaro geystay, waxaana saraakiil katirsan ciidamada xoogagga SSC ay sheegeen inay la socdaan dhaq dhaqaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Somaliland.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka furimaha dagaalka ayaa sheegay in xalay ilaa saaka la dareemayo xiisad dagaal, isla markaana dhinacyada ay mararka qaar hubka noocyadiisa kala duwan ay isku tuurayaan.

Sidoo kale saacadihii la soo dhaafay waxaa duleedka Magaalada Laas-Caanood gaaray Gaadiid dagaalka iyo Ciidamo hab beeleed u abaabulan, kuwaas oo ka yimid dhinaca gobolka Sanaag, iyaga oo taageero siinaya xoogagga SSC ee la dagaalamaya Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ku dagaalamaya degaano hoostaga Magaalada Laas-Caanood, waxaana midba midka kale uu doonayaa in uu degaano la wareego, iyada oo Somaliland ay sheegtay inay iska difaaceyo Kooxo Argagaxiso ah iyo Ciidamada Puntland oo soo weeraray.