Afgooye-RisaalaFM- Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay degaano ka tirsan Gobolkaas ka wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan, kadib dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.
Ciidamada xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaqan Ciidan waxa ay ku doonayaan sidii ay kula wareegi lahaayeen degaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Inta badan wadooyinka duleedka ka ah degmada Afgooye ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u hubeysan kuwaasi oo wada abaabul dagaal, kana hortagaya weerarada mararka qaar Shabaab ay ku soo qaadaan degmada Afgooye.
Maamulka degmada Afgooye ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in Ciidamada maalmaha soo aadan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab, si guud looga saaro degaanada hoosyimaada degmada.
Al-shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku soo qaadayaan fariisimaha Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye, waxaana hada feejignaan dheeri ah ku jira Ciidamada ammaanka.
Axmed Abuukar Sabriye, Radio Risaala, Afgooye



