Dhalinyarada Kenya oo looga digay in ay ku biiraan Al-Shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka hortagto in Al-Shabaab ay shaqaaleysiiyaan dhalinyarada Kenyaan ah ee ku sugan gobolada Kala duwan ee dalka Kenya.

Dowladda waxa ay sheegtay in ay dhalinyarada uga digayso in ay ku biiraan Al-Shabaab , islamarkaana ay shaqo abuur u sameyn doono dhalinyarada Kenyaan ee waxbartay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa warbaahinta la wadaagay inysan aqabali doonin in dhalinyarada dalka Kenya ay ku biiraan Al-Shabaab xilli ay dowladda Kenya dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah waxgaradka kunool gobolka Waqooyi Bari waxa ay dowladda Kenya ku wargaliyeen in ay arkeen koox dhalinyaro ah , kuwaa soo kasoo gudbay xadka ay dowladda Kenya la wadaagto dalka Soomaaliya .

Warbxin ay sidoo kale soo saartay urur goboleed IGAD   ayaa dowladda Kenya loo digay in ay Al-Shabaab qortaan dhalinyarada Shaqo la’aanta ah ee ku sugan dalka Kenya.

Dowladda Kenya waxa ay hada sheegaysa in ay diyaar u tahay in ay shaqo abuur u sameyso dhalinyarada u dhalatay dalka Kenya , waxayna ka digaysa in ay dhalinyarado ku biiraan Al-Shabaab.