Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiyada dalka Suudaan ee uu dagaalku ka socdo ka sii deysay 31 dhallinyaro Soomaali ah oo bilo ku xirnaa dalkaasi Suudaan. Dhallinyaradan ayaa u badnaa tahriibayaal doonayay in ay tahriib ku tagaan Libya ugana sii gudbaan Yurub. Waxaa kale oo jira dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in wali lagu la’ yahay dalkaasi ka dib markii ay koox hubeysani weerartay gaari ay la socdeen. Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Port-Suudaan oo hadda caasimad KGM ah u ah Suudaan Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaani) ayaa faah faahin ka bixiyay sida dhalinyaradaas xabsiyada looga soo daayay iyo xaalada dhalinyarada kale ee Soomaaliyeed eek u sugan dalka Suudaan.
Dalka Suudaan oo colaado xoogan ay kajiraan ayaa waxaa inta badan isaga soo cararay dhalinyarada Soomaaliyeed oo badi u joogay waxbarasho halka kuwo kale ay weli ku sugan yihiin dalkaas



