DHAGEYSO:Xildhibaano ka digay duqeynta Mareykanka ee degaanda Jubbaland

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka digay waxyeeladda dadka Shacabka ah kasoo gaareysa duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka waddo degaanada maamulka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen in ay jiraan dad Shacab ah oo ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee dowlada Mareykanka ay ka fuliso jubbooyinka.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab laakiin ay codsanayaan in la dhowro dadka Shacabka.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in dad Shacab ah lagu duqeeyay duleedka degmada Afmadow.